Guddiga Doorashooyinka Puntland oo soo bandhigay qorshahooda 2025 - 2029

Image
Kulankan waxaa guddoomiyay ku xigeenka Gudoomiyaha guddiga Abdinur Sheikh Mohamed Is-hak.

GAROWE, Puntland - Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Puntland, Abdinur Sheikh Mohamed Is-hak, ayaa maanta shir Guddoomiyay Shirka Guddiga iyo qaar ka mid ah Golaha Xukuumadda shaqo wadaagta la ah PEC.

Guddoomiye kuxigeenka oo furay kulanka ayaa Wasiirada u sheegay ujeedka kulanka oo ahaa soo bandhigidda qabyo-qoraalka qorshe hawleedka Guddiga ee 5-ta sano ee soo socda (2025-2029), kaas oo ay qayb ka yihiin Golaha Xukuumadda iyo daneeyayaasha Doorashooyinka qof iyo codka ah, qorshahan-na ay horey ugu soo bandhigeen Xisbiyadda Siyaasadda iyo Bulshada rayidka ah iyaga oo ku darsaday talooyinkooda iyo afkaartooda, inta uu qabyo qoraalka yahay-na ay usoo bandhigi doonaan dhammaan cid walba oo ay khusayso oo ay ka midyihiin Golayaasha Dowladda, daneeyayaasha arimaha dimoqraadiyadda Puntland ee maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah si ay ugu darsadaan afkaartooda iyo talooyinkooda.

Wasiiradda kasoo qaybgalay oo dhankooda ka hadlay kadib markii losoo bandhigay qabyo-qoraalka qorshaha Guddiga ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin qorshaha Guddiga usoo bandhigay ayna aad ugu bogaadinayaan in Guddigu xili horaba shaqadooda bilaabaan qorshahana yahay mid ku haboon qabashada hawlaha horyaala, sidoo kale waxa ay ku darsadeen fikradahooda ku aadan waxyaabaha ubaahan in wax laga badalo ee caqabadda ku ahaa doorashooyinkii golayaasha degaanka xiliyaday dhacayeen oo ugu horeyso; wacyigenlinta, diinwaangelinta, fahamka bulshada, shuruucda doorashada iyo xisbiyada. Sidoo kale waxay su'aalo la xiriira qorshaha waydiiyeen Guddiga.

Ugu danbeyn Xoghayaha Guud ee Guddiga Asad Ahmed Hersi Xubnaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga ayaa Wasiiradda iyo masuuliyiinta wasaaradaha kulanka ku weheliyay uga mahadceliyay kasoo qaybgalka shirkan muhiimka u ah Geeddi socodka Hannaanka Dimoqraadiyadda Puntland.

Wasaaradaha kasoo qayb-galey kulanka ayaa kala ahaa Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dawladda Puntland, Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland, Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM