​Guddiga isku dhafka ciidamada Soomaaliya oo Garowe yimid

Image
Image
Image

GAROWE- Wafdi uu hogaaminayo wasiir dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federalka Soomaaliya, Maxamed Xali Xagaa, ayaa maanta soo gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe, iyagoo booqday xarunta ciidamada Daraawiishta ee 54-aad.

Waxaa magalada kusoo dhaweeyay taliyaha guud ee ciidamada Qalabka General Siciid Maxamed Xirsi iyo saraakiil katirsan ciidamada difaaca Puntland.

Wafdigan ayaa kulan la qaatay xubno katirsan laamaha ammaanka Puntland, waxayna kawada hadleen arrimo la xiriira isku dhafka ciidamada iyo qaabkii loo hirgalin lahaa hishiisyo horay loo galay.

Ujeedka socdaalkan mas'uuliyiinta ayaa lagu sheegay inay la xiriirto qorshaha lagu doonayo in la  isugu dhafo ciidamada difaacada dalka, kaasi oo qayb ka ahaa hishiisyo horay u wada galeen dowladda Federalka Soomaaliya iyo Puntland.

Waxaa horay loogu hishiiyay in la sameeyo ciidamo Qaran kuwaasi oo badal kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM