Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo yeeshay gudoon cusub

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga KMG ee doorashada dowladda Puntland ayaa Gudoomiye u doortey Guuleed Salaax Barre halka ku xigeen loo doortey Jaamac Xirsi Farax.

Afhayeenka gudigaan ayaa waxaa loo magacaabey Cabdinuur Sheekh Isxaaq oo ka shaqeyn jirey Idaacada BBC-da, gaar ahaan Laanta Af-Soomaaliga.

Guuleed Salaax Barre ayaa xukuumadii Cabdiwali Gaas ka noqdey Wasiirka degaanka halka mudooyinkii dambe uu madax ka ahaa hay’ad la yiraahdo SIDRA.

Gudoomiyaha cusub ayaan weli ku dhawaaqin inuu iska casiley jagadda sare ee uu ka hayo hay'adda SIDRA oo mashaariic ka qaadata hay’adaha caalamiga ah.

Magaaladda Garowe ayaa maanta waxaa ka furmey kulan hay’adda SIDRA soo qaban qaabisay, kaas oo lagaga hadlayo qayb kamid ah barnaamijka dimuqaraadiyada Puntland.

Beesha Caalamka ayaa dhowaan balanqaadey in ay ka taageeri doonto maamulkan sidii uu u qabsan lahaa doorasho ay dadka ugu coddeyaan hogaamiyahooda.

Puntland oo ah maamulkii ugu horeeyay ee ka hano qaadey Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan laga qabaa in doorashadda soo aadan ay noqoto mid qof iyo cod ah.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM