Guddiga madaxda u yahay Faroole oo go'aano soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga xalinta dhibaatadda suuqa lacagaha ee degaanadda dowladda Puntland ayaa wuxuu soo saarey saddex qodob oo ay ku taliyeen in degdeg loo fuliyo.

Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Faroole, ayaa madax u ah guddigan.

Saddexda qodob ee dhinacyada soo saareen ayaa kala ah;

  • Joojinta lacagta doolarka danabeysan laguna bedelo Shilin Soomaali danabeysan
  • In doolar-ka danabeysay sii wataa shirkadaha magaalooyinka deriska la ah Puntland
  • In shirkadaha ay nidaamkan ku hirgeliyaan muddo shan casho gudaheeda ah

Qodobadan ayaa, sidda ku xusan qoraalkan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, wuxuu kasoo baxay kulan dhexmaray guddiga, bankiayda iyo shirkadaha.

Guddigan waxaa magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ka gedaal markii dhibaatooyin ay kasoo kordheen isticmaalka shilin Soomaaliga.

Guddiga ayaa horey u soo saarey go'aano ka kooban 13 qob kuwaasoo ku saabsanaa qaabka loo xalin karo mushkilada ayna kamid ahayd in muddo kooban la xareeyo doolarka badan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo dastuurka ku meelgaarka ah xeerinayo in ay mas'uul ka tahay xaqiijinta socod-siinta lacagta dalka ayaa ku guuldareystay in ay wax ka qabato.

Taas bedelkeeda, dowladda Farmaajo ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhacay waxay diirada saartay in ay xasilooni darro ka abuurto degaanadda maamulada kasoo horjeeda.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM