Guddiga madaxda u yahay Faroole oo go'aano soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga xalinta dhibaatadda suuqa lacagaha ee degaanadda dowladda Puntland ayaa wuxuu soo saarey saddex qodob oo ay ku taliyeen in degdeg loo fuliyo.

Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Faroole, ayaa madax u ah guddigan.

Saddexda qodob ee dhinacyada soo saareen ayaa kala ah;

  • Joojinta lacagta doolarka danabeysan laguna bedelo Shilin Soomaali danabeysan
  • In doolar-ka danabeysay sii wataa shirkadaha magaalooyinka deriska la ah Puntland
  • In shirkadaha ay nidaamkan ku hirgeliyaan muddo shan casho gudaheeda ah

Qodobadan ayaa, sidda ku xusan qoraalkan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, wuxuu kasoo baxay kulan dhexmaray guddiga, bankiayda iyo shirkadaha.

Guddigan waxaa magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ka gedaal markii dhibaatooyin ay kasoo kordheen isticmaalka shilin Soomaaliga.

Guddiga ayaa horey u soo saarey go'aano ka kooban 13 qob kuwaasoo ku saabsanaa qaabka loo xalin karo mushkilada ayna kamid ahayd in muddo kooban la xareeyo doolarka badan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo dastuurka ku meelgaarka ah xeerinayo in ay mas'uul ka tahay xaqiijinta socod-siinta lacagta dalka ayaa ku guuldareystay in ay wax ka qabato.

Taas bedelkeeda, dowladda Farmaajo ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhacay waxay diirada saartay in ay xasilooni darro ka abuurto degaanadda maamulada kasoo horjeeda.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM