Guddiga xallinta xiisadda Qarxis oo la shiraya Madaxweynaha Puntland

Image

July 1, 2015 (GO)- Guddi dhex-dhexaadin ah oo ka yimid dhanka deegaanka Qarxis ayaa maanta soo gaarey magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Guddigan oo ka kooban lix xubnood, waxaa laga soo dhex xulay guddi kale oo shan iyo toban xunood ahaa, kaas oo maalmo kahor isla deegaanka Qarxis lagu dhisay.

Xubnaha guddigan ayaa xarunta madaxtooyada ee Garowe kulan kula qaadan doona Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyagoo kala hadli doona sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadda ka aloosan Qarxis.

Kahor inteysan Garowe imaan, guddigu wuxuu lasoo kulmay Gen. Muxiyadiin iyo saraakiisha kale ee la socota. 
Saraakiisha ayaa sheegay inay wadahadal diyaar u yihiin, waxayna ballan qaadeen inay aqbalayaan go'aan kasta oo guddiga dhex-dhexaadintu gaaro.

Garowe Online ayaa ogaatey magacyada xubnaha guddiga, waxayna kala yihiin sidan:

  1. Xasan Gurey Dusaaye
  2. Cismaan Guureeye
  3. Daahir Maxamed San-weylood
  4. Mukhtaar Cabdiraxmaan
  5. Daahir Khaliif
  6. Maxamed Xaaji Aadan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM