Guddomiyaha cusub gobolka Nugal oo Garoowe yimi [Dhagayso]

Image

16 September, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Gudomiyaha cusub ee gobolka Nugal ayaa galabta lagu soo dhaweeyay magalada Garowe caasumadda Puntland.

Cumar Cabdullaahi Farole oo maanta loo magacaabey Gudoomiyaha gobolka ayaa ka yimi magalada Galkacyo oo muddo ku sugnaa, waxaana caasumadda Puntland soo dhaweyn ugu sameeyay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Cumar Cabdulahi Farole oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilka loo magacaabay, isagoo u mahadceliyay bulshada soo dhaweysay.

Gudomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay inuu ka shaqayn doono hormarinta gobolka, waxaa uu dhinaca kale ku baaqay in la joojiyo colaadda ka soo cusboonaatay gobolka Sool.

Cumar Cabdullaahi ayaa noqonaya Gudoomiyihii saddexaad ee loo magacaabo gobolka Nugal tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Gaas.

GAROWEONLNE.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM