Guddoomiyaha Baarlammaanka PL oo ka hadlay doorashada 2016 [Dhegeyso]
July 30, 2015 (GO)- Af-hayeenka Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Siciid Xasan Shire oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa ka hadlay doorashada Soomaaliya ee 2016.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Baarlammaanka iyo xukumadda Puntland soo saari doonaan go'aan midaysan oo ku saabsan arrimaha ka socda magaalada Muqdisho.
"Dowladda ayaa qiratay in aysan qaban karin wixii loo igmaday ee ahayd inay dalka doorasho gaarsiisaan 2016, Madaxwaynaha Dowladda Federaalka dalka wuxu ku matalaa Federaalnimo iyo ra'yiga la isku keenay, marka hadduu yiri annaa go’aamo u gaaraya waa qalad" ayuu yiri.
Dhinaca kale, Siciid Shire ayaa xusay in aysan raali ka noqon doonin dib u dhaca ku yimi balanqaadkii xukuumada ee ahaa doorasho dadwayne oo la qaban doono 2016 dib loogu noqdo doorasho Baarlamaanka.
GAROWE ONLINE