Guddoomiyaha cusub ee gobolka Bari oo xilka la wareegey

Image

May 31, 2015 (GO)- Guddoomiyaha cusub ee dhowaan loo soo magacaabay gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegey guddoomiyihii hore Cabdisamed Maxamed Gallan.

Xafladda xil-wareejinta oo ka dhacday Hotel Gacayte, waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin u kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), isimmo iyo xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamed Gallan oo ugu horreyn munaasabaddaas ka hadlay, ayaa ka sheekeeyey waxyaabaha u qabsoomey muddadii uu xilka hayey isagoo sheegay inay jiraan wax badan loo qabtey iyo qaar kale oo dhiman.

Gallan ayaa dhanka kale hambalyo u direy guddoomiyaha cusub isagoo sheegay inuu si dhow ula shaqeyn doono Ilaahna uga baryey inuu u fududeeyo xilka culus ee loo dhiibey.

Guddoomiyaha Cusub Yuusuf Maxamed Wacays ayaa ka mahadceliyey qaabka fiican ee xilka loogu wareejiyey, wuxuuna ballan qaaday waxqabad isagoo sheegay inuu u kuurgeli doono xaaladda dhammaan deegaanada uu gobolku ka kooban yahay islamarkaana la kulmi doono qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wuxuu sidoo kale ballan qaadey inuu dadaal badan ku bixin doono sidii loo soo dhoweyn lahaa qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen.

Ugu dambeyntii, waxaa goobta ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Karaash. Wasiirka ayaa u hambalyeeyey maamulka cusub ee gobolka Bari, wuxuuna kula dardaarmey dadaal iyo inay la yimaadaan waxqabad muuqda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM