Guddoomiyaha cusub ee Nugaal oo maanta xilka la wareegey

Image
Image
Image
Image
Image

February 3, 2015 (GO)- Guddoomiyaha cusub ee Madaxweynaha Puntland dhowaan usoo magacaabay maamulka gobolka Nugaal ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegey.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta maamulka gobolka, waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo marti sharaf kale oo meteleysey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Cabdinaasir Xaaji Maxamed ayaa xilka ku wareejiyey guddoomiyaha cusub maadaama guddoomiyihii hore dalka dibadiisa ku maqan yahay.

Dhanka kale, Guddoomiye Cabdulaahi Ciise Aw Axmed oo madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday inuu si hufan oo daacad ah ah u shaqeyn doono, wuxuuna ka codsaday qaybaha kala duwan ee bulshada inay la shaqeeyaan.

Ugu dambeyntii waxaa xafladda xilwareejinta ka hadlay Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire, wuxuuna hambalyo u diray guddoomiye Aw-axmed, isagoo Ilaah uga baryey inuu u fududeeyo xilka culus ee loo dhiibey.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas xilka ka qaadey guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Bumbo soona magacaabay Cabdulaahi Ciise Aw Axmed.

Cabdilaahi Ciise ayaa horay usoo noqdey guddoomiyaha gobolka Nugaal xiligii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa Maxamuud Muuse Xirsi Cade.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM