Guddoomiye Jibriil oo lagu khasabey inuu fagaaro uga jawaabo Wasiir Juxa

Image
Labada mas'uul ayaa kawada hadlay kulan Sabtida maanta ah ka dhacay magaalada Garowe.

GAROWE, Puntland - Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo ka hadlayay qaacada baarlamaanka ayaa si shaac ah ugu jawaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo dimoqoraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Jibriil ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in dhawaqa kasoo yeeray Juxa uu yahay gabi ahaanba meel ka dhac ku ah nidaamka dowladnimo ee haatan ay ku dhaqmeyso Puntland.

Afhayeenka ayaa xusay in hadalkii Juxa ee ahaa in lifaaq dastuurka Puntland uu yahay xeer jajab uusan ahayn hadal sax ah “Waxaan Juxa u sheegayaa in labada lifaaq ee dastuurkaba ay yihiin sharci iyo xeerar dastuuri ah ee aysan ahayn xeer jajab sida uu isaga qabo”.

Guddoomiye Cabdirishiid oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in maadaamaa isaga oo fadhiya uu hadalkani yiri Juxa ay tahay waajib dastuuri ah in uu u jawaabo.

Halkaasi kuma ekaan jawaabta guddoomiyaha ee wasiirka, ee waxa uu sidoo kale guddoomiyaha waxbo kama jiraan kasoo qaaday xeerka xuduudaha degmooyinka oo ay Golaha Wasiirada anisixiyeen.

"Sida uu qabo sharci nambar 7 , xuduudaha degmooyinka waxaa keliya ansixin kara baarlamaanka, waxbana kama jiro xeerka ay ansixiyeen Golaha Wasiirada, wixii ka yimaadana waxaa dhabarka u ridanaysa wasaaradda arrimaha gudaha," ayuu xusay.

Wasiir Juxa oo sidoo kale gaf toos ah u geystay Odayaasha Dhaqanka ee Puntland ayaa wuxuu hadalo hore oo badan oo meel ka dhac loo arkay ka jeediyay meelo kala duwan, waxana hadda muuqata in ay gorodda isla galeen guddoonkii baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM