Guddoomiye ku-xigeenka Barlamanka Federaalka oo Garowe yimid

Image

March 14, 2015 (GO)- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee barlamanka federaalka Mahad Cabdallah Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaarey magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Mas'uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee barlamanka Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan iyo boqollaal dadweyne ah ayaa soo dhoweynta wafdigaas ka qayb qaatey.

Mudane Mahad oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in ujeedada socdaalka uu Puntland kusoo gaarey salka ku hayso sidii ay xiriir fiican iyo iskaashi dhinacyo badan leh u yeelan lahaayeen labada barlamaan (Barlamanka Puntland iyo kan dowladda Federaalka).

Wuxuu sidoo kale ka mahadceliyey qaabka diirran ee Garowe loogu soo dhoweeyey isagoo xusay in booqashadani qaadan doonto muddo dhowr maalmood ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Gaas ayaa wafdigan ku qaabiley xarunta madaxtooyada isagoo uga mahadceliyey socdaalka ay Puntland kusoo gaareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM