Guddoomiye ku-xigeenka Barlamanka Federaalka oo Garowe yimid

Image

March 14, 2015 (GO)- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee barlamanka federaalka Mahad Cabdallah Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaarey magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Mas'uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee barlamanka Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan iyo boqollaal dadweyne ah ayaa soo dhoweynta wafdigaas ka qayb qaatey.

Mudane Mahad oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in ujeedada socdaalka uu Puntland kusoo gaarey salka ku hayso sidii ay xiriir fiican iyo iskaashi dhinacyo badan leh u yeelan lahaayeen labada barlamaan (Barlamanka Puntland iyo kan dowladda Federaalka).

Wuxuu sidoo kale ka mahadceliyey qaabka diirran ee Garowe loogu soo dhoweeyey isagoo xusay in booqashadani qaadan doonto muddo dhowr maalmood ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Gaas ayaa wafdigan ku qaabiley xarunta madaxtooyada isagoo uga mahadceliyey socdaalka ay Puntland kusoo gaareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM