Guddoomiye ku-xigeenkii gobolka Bari oo geeriyoodey

Image

May 20, 2015 (GO)- Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad gobolka Bari Yuusuf Muumin Bidde ayaa ku geeriyoodey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

AHN marxuumka ayaa sida qaar kamid ah eheladiisu Garowe Online u sheegeen wuxuu muddooyinkii u dambeeyey la il darnaa xanuunka macaanka iyo xanuun kale oo ka haleelay saableyda.

Gudddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa ka tacsiyeeyey geerida marxuum Bidde, isagoo Ilaah uga baryey inuu u naxariisto eheladii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Yuusuf Muumin oo xilkan muddo dheer soo hayey, wuxuu kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn looga tix geliyo gobolka Bari, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtey dowladihii soo maray Soomaaliya iyo Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM