Guddoomiye ku-xigeenkii gobolka Bari oo geeriyoodey

Image

May 20, 2015 (GO)- Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad gobolka Bari Yuusuf Muumin Bidde ayaa ku geeriyoodey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

AHN marxuumka ayaa sida qaar kamid ah eheladiisu Garowe Online u sheegeen wuxuu muddooyinkii u dambeeyey la il darnaa xanuunka macaanka iyo xanuun kale oo ka haleelay saableyda.

Gudddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa ka tacsiyeeyey geerida marxuum Bidde, isagoo Ilaah uga baryey inuu u naxariisto eheladii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Yuusuf Muumin oo xilkan muddo dheer soo hayey, wuxuu kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn looga tix geliyo gobolka Bari, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtey dowladihii soo maray Soomaaliya iyo Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM