Guddoomiyhiii hore ee Afgooye oo toogasho lagu diley

Image

July 8, 2015 (GO)- Guddoomiyihii hore ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa maanta toogasho lagu diley.

Saddex nin oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa suuqa Afgooye ku dhex diley mas'uulkaas oo lagu magacaabi jirey Cabdullahi Iidey.

Iidey ayaa xilligii la dilayey ku sugnaa carwo lagu magacaabo Mumin, wuxuuna halkaas dharka ciidka uga iibinayey qaar kamid ah carruurtiisa.

Dhaawac culus ayaa kasoo gaarey madaxa iyo saableyda, wuxuuna geeriyoodey waxyar kahor intaan la gaarsiin isbitaalka.

Booliska ayaa qabtey nin la sheegay inuu kamid ahaa saddexdii nin ee dilka fulisey, kaas oo xilligan su'aalo la weydiinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM