Guddoonka barlamanka PL oo ka tacsiyeeyey geerida xildhibaan Aadan Yare

Image

April 18, 2015 (GO)- Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen (Aadan Yare) oo ahaa mudane ka tirsan barlamanka Puntland oo maanta magaalada Muqdisho lagu diley.

Guddoomiyaha ayaa marxuumka Ilaah uga baryey inuu naxariistiisa ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Tacsi taas lamid ah waxaa direy Xildhibaan Shaybe Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, Sicidii Xasan Shire wuxuu baaq u direy hay'adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay inay baaritaan ku sameeyaan ciddii ka dambeysey dilka xildhibaan Cabdi Yare sharcigana hor keenaan.

AHN Cabdi Aadan Yare ayaa xilligii la dilayey gaari saarnaa wuxuuna ku sugnaa meel aan ka fogeyn isbitaalka hore ee loo aqoon jirey Digfeer hadase ay maamulaan Turkiga. 

Marxuumku maalmihii u dambeeyey Muqdisho ayuu ku sugnaa wuxuuna halkaas u tegey arrimo caafimaad isagoo doonayey inuu qaar kamid ah qaraabadiisa geeyo isbitaalka Digfeer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM