G. Barlamanka PL oo ka hadley Xildhibanada kulanka dalbadey
GAROWE 16 May, 2015 ( GO)- Waraaq kasoo baxdey xafiiska Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciicd Xasan Shire 14 May, 2015 oo nuqul kamid ah soo gaarey GO ayaa lagu sheegey in xildhibanada dalbanaya in shir deg deg ah isugu yimaado golaha wakiilada aysan gaareyn 17 mudane.
Qoraalkaan oo ku taarikheysan 14 May,2015 ayaa gudoomiyaha Barlamanka ku sheegey in xildhibaanada dalbanaya kalfadhiga tiradooda aysan gaarsiineyn 17 kadib markii go'aankaas ka tanaasuleen 6 mudane halka qoraalkaan 2 kamid ah aysan saxiixooda ka muuqan waraaqda.
Gudoomiyaha Barlamanka ayaa xusey in markii uu arkey qodobada Dastuurka uusan codsigaan buuxin shuruucdii kalfadhi lagu qaban lahaa.
Dhinaca kale xildhibanada dalbanayey kafadhiga ayaa maanta soo bandhigey qoraal kale oo ay ku muujinayaan in tirada ay ku dalbanayaan fadhiga degdeg ah gaareyso 26 xildhibaan sidaa dardeed gudoonka Barlamanka looga fadhiyo iney qabtaan kulanka aqalka mudanayasha si looga wada hadlo ajandayaasha ay soo gudbiyeen.
Muranka u dhexeeya gudoomiyaha Barlamanka iyo xildhibaanda ayaa ku soo aadaya kadib markii uu maanta soo gaarey magaalada Garowe madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas.
Wararka GO ka heleyso ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in gudoomiyaha Barlamanka ka dalbadey madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa is-badal deg deg ah ku sameeyaan golaha xukuumada inta aan la gaarin kafadhiga Barlamnaka bisha June ee soo socota si loo qaboojiyo xiisada taagan.
Kulankii madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu la yeeshey Khamiistii lasoo dhaafey golaha xukuumada ayaa sidoo kale warar ku dhow xusayaan in wasiirada uu kaga dalbadey iney dajiyaan xildhibanaada Barlamanaka isagoo xusey in wasiir walba looga fadhiyo inuu gacanta ku soo dhigo mudanaha ka tirsan beshiisa.
Xildhibanaada dalbanaya kalfadhiga deg deg ah ee Barlamanka ayaa sabab uga dhigaya codsigooda in qodobada amniga, dhaqaalaha iyo federaalka lagaga hadlo kulankaan madaama Puntland xaalada adag gashey waa sida ay hadalka u dhigeen.
Waraaqda gudoomiyaha Barlamanka Puntland ku diidey kafadhiga 14 May,2014
Qaraalka xildhibanaada dalbanaya kafadhiga Barlamanka Puntland soo saareen 16 May,2015