Gudoomiyaha ay u doorteen ururka Mideeye guddoonka Boosaaso oo si kulul uga hadlay xukuumadda Deni

Image

GAROWE, Soomaaliya - Garabka uu hogaaminayo ururka Mideeye ee doorashada guddonka degmada Boosaaso ayaa maanta qabtay Shir Jaraa’id ay ku biyaaniyeen moqfkoodii ku aadan waxa ay ku tilmaameen boob uu wado madaxweynaha talada haaya ee Saciid Dani.

Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Boosaaso garabka mucaaridka, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Jinac ayaa si kulul uga hadlay tallaabada uu qaaday Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha, Maxamed Axmed Kulan kaas oo Guoddonka degmada Boosaaso ku wareejiyay xubnaha ay doorteen garabka ururka talada haaya.

“Waxa ka dhacay doorashadii Federaalka ayaa caddeyn u ah in ficilada Deni ay gud madow ku ridayso dimuqraadiyadda, waxa uu doonayana ay tahay Dhac qarsoon, boob, iyo kalitalisnimo.” ayuu yiri Jinac, isaga oo ku eedeeyay Madaxweyne Deni in uu meel uga dhacay geedi-socodka hanaanaka dimuqraadiyadeynta Puntland.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay hadalkii Wasiiraka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo ku sheegay in xiisada taagan lagu xallin doono wada hadal uu la-geli-doona dhamaan dhicyada isku heysta guddoonka degmada Boosaaso.

Jinac ayaa sidoo kale u balan qaaday shacabka ku dhaqan Boosaaso inay ku adkaysan doonaan barnaamijkan doorashada ah, kana codsaday Waiir Juxa inuu jawaab cad ka bixiyo tallabada uu qaaday Wasiiru-Dowlaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM