Gudoomiyaha Barlamanka oo ka qayb galay dabaal dagga ciidanka Badda Puntland.

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

06 Octobar, 2015(GO)-Ciidanka Badda Puntland ayaa u dabaal dagay maanta Shan sano guuradii ka soo wareegtay asaaskooda ka dib munaasabad lagu qabtay xarunta ciidanku ku leeyihay magalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidanka ayaa xerada Bandarsiyaada ku soo bandhigay dhoollatus kala duwan oo isugu jiray gaado ka ciyaar iyo bandhigyo kale.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland, xubno ka socday golaha wasiirada, maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso iyo madaxda ciidanka Badda Puntland ayaa ka soo qayb galay xafladda.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin ka soo qayb galka bandhigga ciidanka iyagoo ugu hambalyeeyay guulaha ay gaareen oo uu soo bandhigay Taliyaha ciidanka Badda Puntland Cabdirasaaq Diiriye Faarax.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa dhankiisa xusay in ciidankani muhiimad u leeyahay shacabka iyo xukuumadda Puntland.

Ciidanka Badda Puntland  ayaa la asaasay waqtigii uu xilka hayay madaxweyne Farole, waxayna ka hawlgalaan Badda iyo Bariga iyagoo kalin weyn ka qaata sugidda amniga xilliyada ay jiraan munaasabadaha waawayn iyo shirar muhiim ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM