Gudoomiyaha Barlamanka oo ka qayb galay dabaal dagga ciidanka Badda Puntland.

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

06 Octobar, 2015(GO)-Ciidanka Badda Puntland ayaa u dabaal dagay maanta Shan sano guuradii ka soo wareegtay asaaskooda ka dib munaasabad lagu qabtay xarunta ciidanku ku leeyihay magalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidanka ayaa xerada Bandarsiyaada ku soo bandhigay dhoollatus kala duwan oo isugu jiray gaado ka ciyaar iyo bandhigyo kale.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland, xubno ka socday golaha wasiirada, maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso iyo madaxda ciidanka Badda Puntland ayaa ka soo qayb galay xafladda.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin ka soo qayb galka bandhigga ciidanka iyagoo ugu hambalyeeyay guulaha ay gaareen oo uu soo bandhigay Taliyaha ciidanka Badda Puntland Cabdirasaaq Diiriye Faarax.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa dhankiisa xusay in ciidankani muhiimad u leeyahay shacabka iyo xukuumadda Puntland.

Ciidanka Badda Puntland  ayaa la asaasay waqtigii uu xilka hayay madaxweyne Farole, waxayna ka hawlgalaan Badda iyo Bariga iyagoo kalin weyn ka qaata sugidda amniga xilliyada ay jiraan munaasabadaha waawayn iyo shirar muhiim ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM