Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo is-casiley

Image

28 October, 2015 (GO)- Guddoomiyihii Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa warsaxafdeed uu saaka gurigiisa ku qabtey is-casiley kadib markii xildhibanaada ka keeneen mooshin xilka looga xayuubinayo.

Siciid Xasan Shire ayaa go'aansadey inuusan hortagin Barlamanka markii ay u muuqatey in xildhibanao gaaraya 40 xubnood ka keeneen mooshinkaan.

Ciidamo aad u hubeysan ayaa qabsadey xarunta Barlamanka Puntland sababo aan la aqoon iyadoo wararka qaar sheegayaan in halkaas ay ku sugnaayeen ciidamo ka amarqaata gudoomiyaha Barlamanka.

Gudoomiyaha Barlamanka ayaa ku eedeeyey in ciidamada kala wareegey xarunta aqalka wakiilada Puntland ay tahay inqliaab lala beegsadey taasoo uu sheegey ineysan aheyn arrin munaasab ah.

Siciid Xasan Shire ayaa laga eedeeyey inuu ku milmey xukuumada Cabdilweli Maxamad Maxamad Cali Gaas iyo isagoo wax u dhimey howlihii Barlamanka loo idmadey.

Garowe Online ayaa idiin soo gudbin doona warsaxafdeedka Gudoomiyaha Bralamanka is casiley.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM