Gudoomiyaha cusub degmada Burtinle oo xilka la wareegay

Image

10 Ocotobar, 2015(GO)-Maamulka cusub ee degmada Burtinle ayaa xilka si rasmi ah ula wareegay ka dib munaasabada lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee degmadaasi.

Duqa cusub ee dhawaan doorteen golaha deegaanka Burtinle ayaa kala wareegay Gudoomiyihii sida KMG ah xilka u hayay saddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxaana goob joog ka ahaa xilwareejinta Xildhibaano, maamulka gobolka Nugal, odoyaasha dhaqanka iyo xubno ka socday bulshada.

Khadar Cabdirasaaq, Gudoomiyihii KMG ahaa ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay doorashadii dhawaan dhacday, waxaana uu tilmaamay inuu la shaqayn doono maamulka cusub.

Gudoomiyaha cusub degmada Burtinle Maxamed Maxamuud Buurdibi ayaa xusay inuu ka dhabayn doono balan qaadkii uu ku galay doorashada, waxaana uu carrabka ku dhuftay inuu degmada hormar gaarsiin doono.

Xubno ka tirsan Barlamanka Puntland, Gudoomiyaha gobolka Nugal iyo waxgarad ka hadlay xilwareejinta ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin isbadalka ka dhacay Burtinle, waxayna xuseen in maamulka cusub ka sugayaan waxqabad.

Buurdibi ayaa dhawaan ku guulaystay doorashada ka dhacday degmada Burtinle ee gobolka Nugal, waxaana degmadu ka mid noqotay kuwa ka faa'iidaysan doona mashruuca hormarinta degmooyinka ee JPLG.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM