Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland oo la doortay

Image

GAROWE- Doorashada Afhayeenka Gollaha Wakiilada dowladda Puntland ayaa maanta oo Jimco ah waxay ka qabsoontay magaalo madaxda Garowe, taasi oo ay ku tartameen illaa iyo Afar Musharax.

Musharaxiinta ayaa kala ahaa;

1. Abdi Hakiim Mohamed Ahmed [Dhoobo]

2. Abdi Rashid Yusuf Jibril

3. Abdi Rahman Ali Jibril

4. Abdi Jamal Osmaan Mohamed

Wareegga 1aad ee coddeynta waxaa ku haray Cabdiraxmaan iyo Cabdirashiid, markii ay helayn codad liita, iyadda ay usoo gudbeen wareega 2aad Cabdixakiin Maxamed iyo Cabdi Jamaal.

Xildhibaan Dhoobo ayay mudanayasha u doorteen Afhayeenka cusub ee Gollaha Wakiilada Puntland, isaga oo helay codad gaaraya 43 cod, halka Cabdi Jamaal uu urur-saday codad dhan 23.

Gudoomiyaha cusub ayaa tartanka uu u galey  inta uu kamid ahaa Barlamanka Puntland ayaa waxaa ay tahay markii Sadexaad. 

Cabdi Jamaal oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu aqbalay natiijada cod-bixinta, isaga oo ugu hambalyeeyay Gudoomiyaha cusub guusha uu gaarey, wuxuuna kula dar-daarmay hufnaan shaqo.

Ugu dambeyntii, Afhayeenka cusub Cabdi Xakiin Dhoobo oo farxad ka muujiyay labinta uu helay ayaa uga mahad-celiyay Sharci-dejiyaasha codka siiyay, isaga oo wacad ku maray inuu dastuurka ilaalin doono.

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM