Gudoomiyaha cusub gobolka Nugal oo xilka la wareegay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

20 September, 2015(GO)-Waxaa maanta xilkii si rasmi ah ula wareegay Gudoomiyaha cusub gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi Farole, ka dib munaasabad lagu qabtay xarunta PDRC Garowe.

Mas'uuliyiin ka socota xukuumadda, Barlamanka, degmooyinka gobolka qaybtood, nabadoonno, waxgarad iyo haween ayaa ka qay galay munaasabadda xil wareejinta.

Gudoomiyihii hore gobolka Nugaal Cabdullaahi Ciise ayaa sheegay in gobolka hormar laga sameeyay intii uu joogay.

Cumar Cabdullaahi Gudoomiyaha cusub oo ka hadlay qorshihiisa ayaa tilmaamay inuu wax ka qaban doono arrimo ay ka mid tahay xal ka gaarista khilaafka ku salaysan dhulka, tahriibta iyo hormarka gobolka Nugaal.

Qaar ka mid ah wagaradka iyo haweenka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay magacaabista Cumar Cabdullaahi, iyagoo sheegay inay la shaqayn doonaan.

Todobaadkii tagay ayaa Gudoomiyaha gobolka Nugal loo soo magacabey,Cumar Cabdullahi Farole oo soo noqday Taliyaha ciidamada Madaxtooyada Puntland, waxaana arrinta timi doorashadii duqa degmada Garoowe Xasan Goodir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM