Gudoomiyaha cusub oo lacag ugu deeqay wadada Eyl

Image

20 September, 2015(GO)-Gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi ayaa maanta lacag ugu deeqay wadada isku xirta degmooyinka Eyl iyo Dangoroyo.

Lacag gaaraysa 10-kun oo dollar ayuu sheegay inuu ugu tabarucayo jidkaasi, waxa uu xusay in loo bahanyahay sidii looga qayb qaadan lahaa dayactirka lagu samaynayo waddooyinka gobolka Nugal.

"Waad la socotaan degmada Eyl waxaa tagay wafti uu hogaaminayo Dr Gaadaale, waxaa socda dadaal lagu hagaajinayo wadada isku xirta Eyl iyo Dangoroyo,Aniga waxaan ugu deeqayaa lacaga gaaraysa 10-kun oo doollar, lacagtaasna waa mid aan jeebkayga ka bixiyay ee maaha mid dowladeed oo maanta ayaaba xilka la igu wareejiyay"ayuu yiri Cumar Cabdullaahi.

Hadalka ayuu ka sheegay xilli uu ka hadlayay xaflad uu xilka kula wareegayay oo haatan ka socota xarunta PDRC ee magalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM