Gudoomiyaha degmada Garowe oo Khamiista la dooranayo

Image

19 August, 2015 (GO)- Golaha degaanka degmada Garowe oo la dhaariyey maalintii shaley ayaa wasiirka arrimaha gudaha waxaa hadal uu ka jeediyey munaasabadaas ku sheegey in doorashada gudoomiyaha magaalo madaxda Puntland iyo ku-xigeenkiisu dhaceyso maalinta khamiista.

Magaalda Garowe oo golaheeda degaanka madaxweyne CabdIweli Maxamad Cali Gaas kala direy ayaa waxaa u tartamaya xilka  gudoomiyaha degmada xubno farabadan oo ka tirsan xildhibinaada la dhaariyey maanta.

Musharaxiinta xilkaan oo kor u dhaafaya Lix qof ayaa waxaa waqti loo siiyey maalinta Arbacada fursad in ay ku sameeyaan ololahooda doorasho iyagoo la filayo iney soo bandhigaan barnaamijkooda siyaasadeed ee ku aadan hurumarinta magaalda Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM