Guddoomiyaha gobolka Bari oo gurigiisa la weerarey

Image

BOSASO Feb 26,2015 ( GO)- Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamad Gallan ayaa caawa fiidkii waxaa gurigiisa weerartey dabley hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn.

Dableyda oo ku hubeysneyd qoryaha darandooriga u dhaca iyo bumbooyinka gacanta ayaa guriga weerar gaadmo ah ku soo qaadey abaare 9:00pm fiidnimo ee caawa. Weerarka ayaa ku bilowdey labo qarax kadibna waxaa rasaas is-weydaarsadey muddo nus saac ah socotey ilaalada guriga iyo kooxda dableyda aheyd.

Inta la ogyahay weerarkaas waxaa ku geeriyoodey hal askari oo ka tirsan ilaalada Guddoomiyaha halka dhaawac culus kasoo gaarey mid kale kasoo lagu daweynayo waqtigaan isbitaalka guud ee Bosaso.

Weerarro noocaan ahaa oo asbuucyadii lasoo dhaafey ka dhacay magaalada Bosaso ayaa waxaa mas'uuliyaddooda horey u sheegtey ururka Al-shabaab kaasoo dagaal yahanadiisu fariisimo ku leeyihiin buuraleyda Golis.

Bisha Feb 7,2015 ayaa waxaa weerar kaas lamid ah lagu qaadey bar kontrool oo ilaalada taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska u taaley afaafka hore ee Hotel Panorama ee magaalada Bosaso.

Taliye ku-xigeenka oo weerarkaas kaga dhinteen labo askari oo ciidamadiisa kamid ah ayaa wararka kasoo baxaya madaxtooyada Garowe sheegayaan in xilka laga qaadey xilli ku howlanaa sugidda amniga magaalada Bosaso.

Xil ka qaadista taliye ku-xigeenka Booliska iyo taliyaha ciidamada nabasugida Puntland ayaa abuurtey khilaaf xoogan oo u dhexeeya qaar ka tirsan saraakiisha iyo Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

Amniga magaalooyin waaweyn ee Puntland ayaa kasoo daraya tan iyo intii Cabdiweli Gaas talada Puntland la wareegey. 

GAROWEONLINE 
 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM