Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo Ka Badbaadey Rasaas Lala Beegsadey

Image

GAROWE, Puntland - Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulahi Faroole ayaa ka badbaadey caawa rasaas uu la beegsadey taliyaha ciidamada booliska Puntland Cabdulqaadir Farax Shire Ereg.

Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in rasaastaan markii ay dhacdey xubnahaani fadhiyeen kulan looga hadlayey amniga kaasoo ka dhacayey Hoteelka Juba oo ku yaal bartamaha magaalada Garowe.

Kulankaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka amniga Puntland, Gudoomiyaha gobolka Nugaal, Taliyaha la dagaalanka aragagixisada, Taliyaha Booliska iyo ku xigeenkiisa iyadoo wararku sheegayaa in Gen. Erag inta uu rasaastaan ridin goobta uu ka dhacey muran u dhexeeya sarakishaan.

Rasaastaan ayaa wararku sheegayaan in lugta ka haleeshey Taliye ku xigeenka Booliska Puntland Bile Farax Cali iyadoo wararku sheegayaan in dhaawaciisa loo qaadey Isbitaalka guud ee Garowe.

"Taliyaha ayaa hadal dhexmarey labadaan xubnood kadib waxaa uu iska soo gooyey Bistoolad isagoo damcey in madaxa uu kaga dhufto xabad balse rasaastaan waxay haleeshey taliye ku xigeenka booliska Puntland". sidaas waxaa Garowe Online u sheegey sarkaal ka tirsan Booliska Puntland oo diidey magaciisa.

Taliyaha Booliska Puntland oo horey xilka uu uga fariisiyey Madaxweyne ku xugeenka Puntland ayaa waxaa dib ugu soo celiyey shaqada Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas intii uu ku sugnaa magaalada Bosaaso.

Sanadkii hore 2016 ayaa is-raaseyn dhexmartey saraakiisha Booliska Puntland waxaa ku dhaawac culus kasoo gaarey Wasiirkii amniga Cabdi Xirsi Qarjab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM