Gudoomiyaha gobolka Nugal "Dhacdadaasi ma ahayn sida loo buun-buuniyay" [Dhagayso]

Image

31 Augusto, 2015(GO)-Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdullaahi Ciise Aw-axmed ayaa maanta ka hadlay ammaanka gobolka oo uu sheegay inuu marayo heerkii ugu wanaagsanaa.

Cabdullaahi Ciise oo waraysi siinayay Radio Garowe ayaa wax laga weydiiyay dhacdo habeen hore ka dhacday magalada Garowe taasi oo dadku siyaabo kala duwan u fasireen.

"Dhacdadaasi ma ahan sida loo buun-buuniyay, mana ahayn waxa laga dhigay, ma ahayn qarax argagixiso oo cid lala beegsanayay, balse waxay ahayd dambi dhacay oo u dhacay si aan ula jeedo ahayn"Ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Nugaal.

Waxa uu gudoomiyuhu sidoo kale sheegay in baaritaan ay sameeyeen ciidamada amniga ku soo ogaadeen inay ahayd bumbo yar oo aan awood badan lahayn balse timi gaari NOHA ah oo aan la hubin inay ka dhacday iyo inay laga tuuray.

"Runtii khasaaraha ka dhashay ma weynayn, dhalinyaro dubnad ku ciyaaraysa aga wax ka dhaceen waxa soo gaarey dhaawacyo yar-yar, gaari meesha yaalleyna waxaa ka qarxay taaiyirada dambe, waxaa socda baarista sida wax u dhaceen balse waxan ogaaney inaysan arintu ku lug lahayn falalka argagixisada, waxaase dad loo qabtey dad arintaasi lagu tuhmayo"Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdullaahi Ciise.

Gudoomiyaha gobolka nugaal aya waraysiga ku sheegay in amniga Caasumadda aysan ka jirin habacsanaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM