Gudoomiyaha gobolka Nugaal oo difaacey maamul la'aanta Garowe

Image

JULY 27,2015 (GO)- Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdulaahi Ciise ayaa ka hadlay markii ugu horeysay golaha deegaanka degmada Garowe, taasoo mudooyinkii danbe laga hadal hayay magaalada Garowe.

Guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay inay qabteen waraaqaha qaar kamida xubnaha ka mid noqondoona golaha deegaanka degmada Garowe, balse ay jiraan xubnaha qaar muran dhinaca beelaha uu ka taagan yahay.

Cabdulaahi ayaa sheegay mashaariicda degmada Garowe inuu xil ka saaranyahay Madaxweynaha Puntland , islamarkaana mashaariicda degmadu ku xirantahay goloha deegaanka, taasoo qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo dhiso. 

“Dadka magaalada in walaahow beena loo sheego oo la yiraahdo magaalada lala dirirayaa, arintaa waxaan leeyahay dadka wadaa ee waa weyn ha ka waan toobeen hadaladaas, waa ceeb, ee yaan dadka been loo sheegin”

Halka ka dhageyso Cabdi Shuluco oo ka hadley dib u dhaca dhismaha golaha degaanka Garowe

Hadalka guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa ku soo beegmaya, xilli waxagaradka gobolka Nugaal ay walaac ka muujiyeen sababta aan wali loo gudagalin dhismayaasha goloyaasha deegaanka, degmada Garowe taasoo la dhaafey waqtigii 45 cisho ee loo qabtey.

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale ka hadley amniga magaalo madaxda magaalada Garowe oo maalmahaan sii xumaanayey halka uu ka hadley dhulal dowlada Puntland bixisay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM