Gudoomiyaha Nugaal oo ka hadley dhismaha golaha degaanka

Image

17 August, 2015 (GO)- Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdilaahi Ciise Aw-Axmed oo wareysi siiyey Idaacada Radio Garowe ayaa sheegey  in dhowaan lasoo gabagabaynayo dhismaha goloha deegaanka degmada Garowe.

Aw-ciise ayaa markale carabkiisa ku dhuftey in todobaadkan gudihiisa Garowe yeelanayso golo degaan oo cusub kuwasoo dooran doona goddoomiye iyo ku xigeenkiisa.

Dhismaha golaha degaanka Garowe ayaa waxaa ku yimid dib u dhac weyn iyadoo madaxda howshan ku shaqo leh iska-difaaceen eedeymo uga yimid bulshada gobolka Nugaal.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo madax u ah guddiga farsamada dhismaha golaha degaanka ayaa sheegey in howlo wasaarada u gaar ah sababeen dib-u-dhaca yimid.

Wasiirka oo magaalada Bosaso safar ugu maqanaa maalmihii lasoo dhaafey ayaa wararku sheegaayan in dib ugu soo noqdey magaalada Garowe iyadoo la filayo in guddiga uu madaxda u yahay maanta fariistaan.

Dhinaca kale waxaa dib u dhac weyn ka muuqdaa dhismaha golaha degaanka magaalada Bosaso kaasoo wareegto madaxweynaha Puntland ku kala direy ku sheegey in muddo 45 cisho ah lagu soo dhisi doono golaha degaankaas.

Madaxweynaha Puntland oo safar shaqo ugu maqan magaalada Galkacayo ayaa hogaaminaya wafti ka kooban xildhibaanada iyo wasiirada dowlada kaga jira gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM