Gudoomiye cusub oo loo magacaabay gobolka Kar-kaar

Image

01 Octobar, 2015(GO)-Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Gudoomiye gobolka Kar-kaar loogu magacaabay Cabdulqaadir Siciid Caarshe "Dhaqaaje".

Afhayeenka xukuumadda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac "Quraan Jecel" ayaa Garowe Online u xaqiijiyay magacaabista Gudoomiyaha.

Horey xilkaasi, waxaa ugu magacaabnaa Cabdi Quraan Maxamed Aadan.

Lama oga sababta xilka looga qaaday, balse waxay ku soo beegmaysaa xilli Madaxweyne Gaas uu isbadal ku samaynayay maamullada qaybo ka mid ah gobollada Puntland.

Waa Gudoomiyihii 6-aad ee Gaas u magacaabo gobollada, Nugal, Mudug, Bari iyo Kar-kaar intii uu xilka hayay.

GAROWEONLE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM