Maamul cusub oo loo magacaabay gobolada Bari iyo Gardafuu

Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Axad ah wuxuu magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu, sidda ay Madaxtooyadda shaacisay.

Cabdisamad Yuusuf Maxamed ayaa laga dhigay Guddoomiyaha Gobolka Bari. Wuxuu bedelayaa Yuusuf Maxamed Wacays oo loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Muuse Saalax Guuleed ayaa waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu, sidda ku cad wareegtadda oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online.

Hoos ka akhriso wareeegtadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey : Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari

2. Waxaa Muuse Saalax Guuleed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

DHAMAAD


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM