Maamul cusub oo loo magacaabay gobolada Bari iyo Gardafuu

Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Axad ah wuxuu magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu, sidda ay Madaxtooyadda shaacisay.

Cabdisamad Yuusuf Maxamed ayaa laga dhigay Guddoomiyaha Gobolka Bari. Wuxuu bedelayaa Yuusuf Maxamed Wacays oo loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Muuse Saalax Guuleed ayaa waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu, sidda ku cad wareegtadda oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online.

Hoos ka akhriso wareeegtadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey : Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari

2. Waxaa Muuse Saalax Guuleed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

DHAMAAD


GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM