Gudoomiyihii hore ee Nugaal oo ka hadley xil ka qadista [Dhageyso]
GAROWE Feb 1,2015 [ GO]- Gudoomiyihii horre ee Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali "Bumbo" ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda Garowe waxa uu kaga hadlay sida uu arko in xilka laga qaado isaga oo howlo shaqo u tagay maalmo ka hor dalka dibadiisa .
Bumbo ayaa sheegey inuu soo dhaweynayo xil ka qaadistiisa islamarkaana u hambalyeynayo gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Nugaal Cabdulaahi Ciise Aw axmed.
Waxa uu sheegey isagoo ku faraxsan in xilka laga qaadey balse ku wanaagsanayd in isaga oo jooga dalka laga qaado si uu u wareejiyo masuuliyadda iyo shaqada maamulka Gobolka Nugaal.
Cabdiqani Xaashi Buumbo ayaa ka gaabsadey inuu ka jawaabo sababta madaxweynaha Puntland xilka uga qaadey isaga oo wadanka ka maqan isagoo xusey in Dastuurka u taalo islamarkaana ku qanacsan yahay shaqada laga qaadey.
Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa tan iyo intii uu la doortey sadex wareegto ku soo saarey isku-badalka maamulka gobolka Nugaal.
Dhageyso Gudoomiyahii hore ee Nugaal oo la hadlay Radio Garowe
GAROWEONLINE