Guddoomiyihii hore ee Nugaal oo ka hadley amniga PL [Dhageyso]
GAROWE April 22, 2015 ( GO)- Guddoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa ka hadlay amaanka guud ee Puntland iyo qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Al-shabaab la beegsatey shaqaalaha qaramada midoowbay.
Qarjab ayaa sheegay in habacsanaani ka jirto laamaha ammaanka ee Garowe oo ay kala daadsan yihiin xilligan, taasina sababtay in si fudud qarax loogu gaystay shaqaalo caalami ah oo UN-ka u shaqaynayay.
Gudoomiyihii hore ee Nugaal ayaa sidoo kale sheegay in waqtigii uu isagu gudoomiyaha ka ahaa gobolka Nugaal ay amaanka u sugi jireen nidaam habaysan oo isku xiran sida iyagoo sideedda xaafadood ee Garowe galab kasta gayn jirey unugyo ciidan ah, oo ka kooban boolis, sirdoonka iyo xubno ka tirsan ururrada dhallinyarada kuwaasoo ka wada shaqeyn jirey sugidda ammaanka.
Gudoomiye Cabdi Xirsi Cali ayaa tilmaamay xiligii Maamulka uu hayay inay baaritaano bille ah ku samayn jireen guryahaya magaalada oo lala socon jiray waxa ku soo kordhay,sidoo kalana wadooyinka soo gala magaalada todobo todobaad u xirijireen ,ayna sidaasi si la mid ah kaantaroolada laga soo galo magaalada adkayn jireen.
Shacabka ku dhaqan magaalada Garowe ayuu ugu baaqay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan laamaha nabad galyada, si looga hortago falalka amaanka liddiga ku ah.
Dhanka kale shir amaanka looga hadlayay oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Nugaal ayaa maanta lagu qabtay xarunta guriga gobolka, dadkii ka soo qayb galay oo isugu jiray odaaysha, masuulyiinta maamulka gobolka iyo haweenka ayaa waxay kaga hadleen muhiimadda nabadgelyadu leedahay iyo sida la doonayo in la iska kaashado
Gudoomiyaha haweenka gobolka Nugaal Faadumo Axmed Nuur ayaa u sheegtay hooyooyinka inay nabad la'aantu iyaga taabanayso sidaas darteedna ay waajib ku tahay inay sugidda ammaanka qayb weyn ka qaataan.
Qaybo ka mid ah bulshada ayaa dhowr Jeer oo horay dhaliil ku saabsan habac sanaan dhanka xiriirka ah u soo Jeediyay inay ka jirto laamaha qaabilsan nabad galyada, waxaana arintaas ka jawaabay taliye xigeenka qaybta booliska gobolka Nugaal isagoo sheegtay in hadda kadib la xoojin doono wadashaqeynta laamaha ammaanka.
GAROWE ONLINE