Gudoomiyihii Rugta ganacsiga Puntland oo is-casilay

Image

19 December, 2015(GO)-Gudoomiyihii Rugta ganacsiga iyo Warashadaha Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay inuu baneeyay jagadaasi isagoo aan shaacin sababta keentay balse ku soo gaabiyay arrimo isaga u gaar ah.

Cabdiraxmaan Jaamac Warsame oo faah faahin sababta xilligaan ku soo beegtay inuu booska banneeyo ayaa sheegay inuu isbadal ku sameeyay xafiiska mudadii uu joogay, wuxuuna bulshada iyo ganacsatada Puntland ku ammaanay kaalinta ka qaateen hormarka dalka.

Wuxuu mahadcelin u jeediyay mudane Cabdiraxmaan asxaabtii xafiiska wadajoogeen iyo bulshada sida gaarka ah u wadashaqeeyeen.

26 December, 2014 ayay ahayd markii Gudoomiyaha iscasilay xilka loo doortay, isagoo xilligaas ku guulaystay 67 cod.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM