Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay dacwadii ay ka noqotay xukuumadda

Image

GAROWE, Puntland – Gudoonka baarlamaanka Puntland ayaa markii ugu horeysay wuxuu si furan uga hadlay dacwadii laga gudbiyey Xildhibaan ee ay ka noqotay xukuumadda.

Cawil Xasan Daad ayaa waxaa lagu eedeeyay in furitaanka kalfadhigii 45aad ee Golaha Wakiiladda, 26-kii October, uu hadalo qadaf ah ka jeediyay markii fursad loo siiyey in uu su’aallo waydiiyo madaxweyne Deni.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland, Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, ayaa tilmaamay in Xildhibaanada looga baahan yahay in ay "asluubeeyaan" waydiimahooda.

"Mudanuhu xaq buu u leeyahay in uu madaxweynaha su’aal waydiiyo, laakiin xoogaa waxaa laga dhedhensan karay in Xildhibaanka su’aashiisii ay ka yara baxsaneyd anshaxa madaxweynaha su'aasha loo waydiin jiray".

Mr Cismaan ayaa u mahadceliyey Xildhibaano, kuwaas oo isku xilqaamay in ay qaboojiyaan arrintaan isla markaana madaxweynaha ugu tegay magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Sidda laga soo xigtay Madaxtooyadda, mudaneyaasha ayaa madaxweynaha waydiistay in uu cafis u fidiyo kana sidaan dhambaal raaligelin ah. "Isaga oo tixgelinaya codsigooda wuu aqbalay," ayay tiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi ayaa wuxuu soo jeediyay in baarlamaanka dhexdiisa uu xal ka gaaro mushaakil ka dhex-dhaca.

Daad oo Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda ka ahaa maamulkii Cabdiwali Gaas ayaa Madaxweyne Dani ku eedeyey inta uu xilkaas hayey ku guuldareysteen biixnta mushaharaadka ciidanka. 

MUUQAALKA CISMAAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM