Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay dacwadii ay ka noqotay xukuumadda

Image

GAROWE, Puntland – Gudoonka baarlamaanka Puntland ayaa markii ugu horeysay wuxuu si furan uga hadlay dacwadii laga gudbiyey Xildhibaan ee ay ka noqotay xukuumadda.

Cawil Xasan Daad ayaa waxaa lagu eedeeyay in furitaanka kalfadhigii 45aad ee Golaha Wakiiladda, 26-kii October, uu hadalo qadaf ah ka jeediyay markii fursad loo siiyey in uu su’aallo waydiiyo madaxweyne Deni.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland, Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, ayaa tilmaamay in Xildhibaanada looga baahan yahay in ay "asluubeeyaan" waydiimahooda.

"Mudanuhu xaq buu u leeyahay in uu madaxweynaha su’aal waydiiyo, laakiin xoogaa waxaa laga dhedhensan karay in Xildhibaanka su’aashiisii ay ka yara baxsaneyd anshaxa madaxweynaha su'aasha loo waydiin jiray".

Mr Cismaan ayaa u mahadceliyey Xildhibaano, kuwaas oo isku xilqaamay in ay qaboojiyaan arrintaan isla markaana madaxweynaha ugu tegay magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Sidda laga soo xigtay Madaxtooyadda, mudaneyaasha ayaa madaxweynaha waydiistay in uu cafis u fidiyo kana sidaan dhambaal raaligelin ah. "Isaga oo tixgelinaya codsigooda wuu aqbalay," ayay tiri.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi ayaa wuxuu soo jeediyay in baarlamaanka dhexdiisa uu xal ka gaaro mushaakil ka dhex-dhaca.

Daad oo Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda ka ahaa maamulkii Cabdiwali Gaas ayaa Madaxweyne Dani ku eedeyey inta uu xilkaas hayey ku guuldareysteen biixnta mushaharaadka ciidanka. 

MUUQAALKA CISMAAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM