Halkee marayaa dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

19 December, 2015(GO)- Dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa maraya heer gabo gabo ah, iyadoona maareeyaha Airpost-ka uu GO u sheegay shirkadda dhisaysay garoonka ay mudo fasax ah qaadatey.

Bashiir Muuse Cabdiraxmaan, maareeyaha garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa tilmaamay wajiga koowaad ee dhismaha garoonka inuu soo id-laaday balse ay socdaan buuxinta meelaha diyaaraduhu ku kala wareegayaan.

Waji koowaad ayuu sheegay inuu ka kooban yahay dhismaha waddada ay diyaaraduhu ku ordayaan oo dhan labo kun iyo afar boqol oo mitir iyo balaca oo ah 45-mitir sidoo kale waxa uu sheegay inuu meel wanaagsan maraya dhismaha guriga loogu addeegayo dadka isticmaalaya garoonka.

GAROWE ONLINE oo booqatay garoonka ayaa kusoo aragtay shaqooyin ka socda kuwaasoo lagu sheegay inay yihiin hagaajinta goobaha diyaaraduhu ku kala wareegayaan iyo calaamadinta qaybaha dhabaddu ka kooban tahay.

Masuuliyiinta shirkada dhisaysa garoonka ee CCECC ayaa mudo bil ah ku maqnaanaya dalkooda iyadoona markay soo laabtaan lagu wado in laga wada hadlo sida loo wajahayo wajiga labaad dhismaha garoonka oo ay wax badan harsan yihiin.

Madaxwayne Gaas ayaa ku wajahan Bosaso isagoona ka qayb gali doona munaasibada lagu farayo garoonka oo dhismihiisa mudo badan socotay.

Sanadka cusub ayaa lagu wadaa in la bilaabo dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe kaasoo dhaqaalaha ku baxaya dowladdii hore ee Cabdiraxmaan Farole kasoo heshay wadanka Kuwait.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM