Hanti-dhowrka guud ee PL oo maanta hortegey baarlamanka

Image

November 25, 2014 (GO)- Hay'adda hanti-dhowrka guud ee Puntland ayaa maanta hortagtay Golaha Baarlamanka Puntland si ay u soo gudbiso waxqabadkeeda.

Gudoomiyaha  guud ee hanti-dhowr Jaamac Maxamed Cismaan  ayaa golaha ka hor akhriyey warbixin dheer oo ku saabsan waxa u qabsoomay tobankii bilood ee lasoo dhaafay. 

Qaab dhismeedka hay'adda  ayuu sharaxaad ka bixiyey isagoo sheegay in xafiiska guud ku yaalo Garowe  xarumo kalena ku leedahay qaar kamid ah gobollada.

Jaamac ayaa intaas raaciyey in xafiiska koowaad ee Garoowe ka hawl galaan gudoomiyaha, afar ku xigeen, 22 hanti dhowre, hal agaasime iyo 54 kale oo shaqaale hoosaad ah.

Intaas kadib xildhibaanada baarlamaanka ayaa weydiiyey su'aalo ku saabsan qaabka hay'adaasi u shaqeyso iyo weliba qaabka ay usoo gudbiso warbixinaha ku saabsan maareynta iyo ilaalinta hantida dowladda.

Gudoomiyaha oo taas ka jawaabaya ayaa sheegay shaqada hanti-dhowrku tahay ilaalinta dhamaan hantida dawladu ay leedahay,waxana uu xusay inay baaritaano kala duwan ku sameeyaan wasaaradaha iyo hay'adaha kale ee dowliga ah.

Dhanka kale warbixino joogto ah ayuu sheegey in hay'addu u gudbiso Madaxweynaha, sidoo kale warbixin sanadle ah usoo gudbiso baarlamaanka wixii khuseeya hanti la lunsadeyna loo gudbiyo xeer ilaaliyaha guud ee dawlada.

Baaritaanada ay sameeyaan mar wax laga weydiiyey wuxuu gudoomiyaha hay'adda hanti-dhowrka Puntland sheegay inay u kala baxaan saddex qaybood oo kala ah: baaris sanadeed qarsoodi ah oo lagu sameeyo dhammaan hay'adaha dawlada, mid qorshaysan oo lagu hubiyo xisaab xirka maaliyada halkii sanaba iyo baaris aan qorshaysneyn oo ku timaada xaalado deg deg ah.

Baarlamaanka Puntland oo ku jira kal-fadhigiisii 34aad waxaa labadii todobaad ee ugu dambeeyey hor yimid in ka badan 10 wasaaradood. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM