​Hantidhowrka Puntland oo xayiray Akoomada dowladda

Image

GAROWE, Puntland- Hanti dhowrka Puntland, ayaa xayiray akoomada Puntland, kadib markii golaha Wakiillada (Barlamanka), ay kalsoonidii kala noqdeen Xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Qoraal kazoo baxay Xafiiska Hanti dhawrka guud ee Dowlada Puntland ayaa lagu xanibay dhamaan dhaq dhaqaaqa khasnadaha ama Accounada Wasaaradaha ee Bangiga dhexe iyo Shirakaadka gaarka loo leeyahay.

Arrintan oo Hantidhowrku sheegay inuu u cuskaday awoodiisa Dastuuriga islamarkaana uu ilaalinayo hantida qaranka.

Go'aankan oo dhaqan galaya maanta ayaa lagu sheegay in golaha xukuumaddu uusan wax kharashaad ah ka saari karin Bangiyada dowladda, maadama laga qaaday xilalkii ay u hayeen shacabka Puntland.

Go'aankan oo lagu muujiyay inay wax ka ogyihiin Madaxweyne Gaas iyo Xeer ilaalinta Puntland, ayaa la faray dhinacyada ay khusayo inay sharciga u hogaansamaan.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli intabada mas'uuliyiinta Somaliyeed marka xilka laga qaado ay horay usii qaataan hantida ay gacanta ku hayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM