​Haween ka cabanaya sicir barar degmada Qardho [Dhagayso]

Image

QARDHO, Puntland- Haweenka ku dhaqan degmada Qardho gaar ahaan kuwa ka ganacsada Khudradda ayaa ka cabanaya sicir barar baahsan kaasoo keenay inay saaka xiraan suuqyadoodii kadib markii ay lasoo gudboonaatay xaalada adag.

Qaar kamid dumarka Khudradda Cagaaran ku iibiya xarunta gobolka Karkaar ayaa warbaahinta u sheegay inay xaaladdu ku adkaatay kadib markii sarrifka lacagta Doollarka cirka isku shareeray islamarkaana gaaray halkii dollar 25,000Shso.

Maamulka Puntland ayay fariin adag u direen iyagoo ka codsaday inay wax ka qabtaan xaaladda iyo sicir-bararka soo laab-laabtay tan iyo intii madaxweynaha Cabdiwali Maxamed Cali talada Puntland qabtay.

Dumar ayaa sheegay in wax lagu kala iibsado lacag qalaad sidaasi owgeed xamili kari waayeen inay sii shaqeeystaan maadama ay u badanyihiin danyar.

Cabashada haweenka degmada Qardho ayaa imaanaya xilli dhawr jeer caasumada Garowe, Bosaso iyo magaalooyin kale ka dhaceen banaanbax looga soo horjeedo sicir barar baahsan kuwaasoo ka dhashay lacago lagu daabacay xarunta gobolka Bari taaso mas'uul ka ahayd xukuumadda Puntland.

Majirto ilaa hadda tallaabo rasmi ah oo ay qaatay xukuumaddu, waxaana maalinba maalinta ka dambaysa sare usii kacaya sarrifka doollarka oo hadda maraya inta u dhaxaysa 26-25,000Shso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM