​Haweenka Galkacyo oo ka cabanaya dowladda hoose

Image

GALKACYO- Qaar kamid ah haweenka degmada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa cabasho xooggan ka muujiyay hab dhaqanka dowladda hoose ee uu hogaamiyo Cabdicasiis Jaamac Nugal, iyagoo sheegay in loo adeegsado xabado nool xilliyada qaybtood.

Mudaharaad xooggan, ayay maanta sameeyeen iyagoo tagay xarunta dowladda hoose, balse ma helin wax qaabilaad ah sida ay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen qaar kamid ah haweenkii halkaasi tagay.

Waxay sheegeen inaysan haysan goob ay ku ganacsadaan, sidaasi oo ay tahayna bixiyaan canshuurta ku waajibtay, iyagoo taa badalkeeda tilmaamay in loogu abaal gudo hab dhaqan xun iyo rasaas.

Duqa degmada ayay ku tilmaameen shakhsi ku fashilmay hogaaminta dowladda hoose, iyagoo ku eedeeyay musuq-maasuq iyo inuusan ixtiraamin hooyooyinka dusha u ritay maaraynta nolosha qoysaskooda.

Arrintan, waxaa durba ka hadlay Cabdicasiis Jaamac Nugal iyo qaar kamid ah golaha deegaanka degmada Galkacyo iyagoo sheegay inay haweenku ka dhago adaygeen awaamiirta dowladda islamarkaana ku adkaysanayaan goobo laga samaynayo dhisme. HALKAN KA DHAGAYSO

Cabshadan ayaa timi xilli maalmo ka hor mudaharaad xooggan sameeyeen qaar kamid ah shaqaalaha iyo ciidamada dowladda hoose kuwaasi oo kacabanayay mushahar la'aan iyo ku takri fal dhaqaale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM