​Haweenka Galkacyo oo ka cabanaya dowladda hoose

Image

GALKACYO- Qaar kamid ah haweenka degmada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa cabasho xooggan ka muujiyay hab dhaqanka dowladda hoose ee uu hogaamiyo Cabdicasiis Jaamac Nugal, iyagoo sheegay in loo adeegsado xabado nool xilliyada qaybtood.

Mudaharaad xooggan, ayay maanta sameeyeen iyagoo tagay xarunta dowladda hoose, balse ma helin wax qaabilaad ah sida ay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen qaar kamid ah haweenkii halkaasi tagay.

Waxay sheegeen inaysan haysan goob ay ku ganacsadaan, sidaasi oo ay tahayna bixiyaan canshuurta ku waajibtay, iyagoo taa badalkeeda tilmaamay in loogu abaal gudo hab dhaqan xun iyo rasaas.

Duqa degmada ayay ku tilmaameen shakhsi ku fashilmay hogaaminta dowladda hoose, iyagoo ku eedeeyay musuq-maasuq iyo inuusan ixtiraamin hooyooyinka dusha u ritay maaraynta nolosha qoysaskooda.

Arrintan, waxaa durba ka hadlay Cabdicasiis Jaamac Nugal iyo qaar kamid ah golaha deegaanka degmada Galkacyo iyagoo sheegay inay haweenku ka dhago adaygeen awaamiirta dowladda islamarkaana ku adkaysanayaan goobo laga samaynayo dhisme. HALKAN KA DHAGAYSO

Cabshadan ayaa timi xilli maalmo ka hor mudaharaad xooggan sameeyeen qaar kamid ah shaqaalaha iyo ciidamada dowladda hoose kuwaasi oo kacabanayay mushahar la'aan iyo ku takri fal dhaqaale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM