Haween lacag ugu deeqey amniga gobolka Mududg {Dhageyso]

Image

31 Augusto, 2015(GO)-Haweenka gobolka Mudug ayaa sheegay inay iska ururiyeen lacag dhan 10,000 doollar oo ay tilmaameen inay ugu tala galeen sidii loogu hormarin lahaa ammaanka.

Lacag dhan 7,000 oo doollar ayaa maanta lagu wareejiyay wasiirka wasaradda amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali "Qarjab".

Gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Mudug Dhudi Yuusuf Aadan aya sheegtay in haweenka gobolku isku xil-qaamen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen ammaanka.

Dhudi waxay xustay inay lacagta u gudbiyeen madaxweynaha balse u wakiishay wasiirka Amniga iyo gudoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug, waxaana ku dhiman sida ay sheegtay Saddex kun oo doollar oo dhawaan wareejin doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM