Haweenka ku ganacsada suuqa Garowe oo cabanaya [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

08 December, 2015(GO)-Haweenka ku ganacsada suuqa khudaarta iyo hilibka ee magalada Garowe, ayaa maanta cabasho xooggan ka muujiyay suuqa oo muddo dayactir lagu sameeyn, waxayna tilmaameen inay rafaad ku qabaan shaqadiisa.

Waxyaabaha sida aadka ah uga cabanayaan waxaa ka mid ah; Soollar ku xiran saqafka kore ee suuqa, Marawaxado la'aan, Safiito la'aan iyo xilli roobaadka oo uusan biyo celin.

Wariyaha Garowe Online oo saaka booqday suuqaasi, ayaa soo qaaday sawirro muujinaya dayactir la'aanta ka jirta iyo dhibka haysta ganacsato u badan haween, wuxuuna qaybtooda ka waraysatay xaaladda ka jirta suuqaasi.

Haweenka ayaa tilmaamay inuu jiro dhibaato xooggan oo ka mid tahay isbadal ku yimaada hilibka iyo khudaarta maadaama suuqa ku xiranyahay tarniig soollar ah oo loogu tala galay inuu iftiimiyo goobta, waxayna sheegeen in xitaa aragooda saameeyay.

Duqa degmada Garowe ayaa maanta booqday, waxuuna sheegay inay dayactiri doonaa, isla markaana taageero ka gaysan doonto hay'adda NRC.

Suuqan ayaan ku yaalla halka lagu magacaabo Injida oo dhacda bartamaha magalada Garowe, waana goobta ugu badan ee qoysaska ku nool Garowe ka adeegtaan.Hadaba wuxuu u muuqday mid la illaawey oo muddooyinkii dambe wax dayactir iyo dib u hagaajin ah lagu samayn.

Maaha markii ugu horraysay oo ganacsatani cabato, mana jirto ilaa hadda wax laga qabtay baahiyahooda, iyagoo laga qaado canshuurta ku waajibtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM