​Haweenka Puntland oo baaq nabadeed diray [Dhagayso]

Image

GAROWE- Shir maanta isugu yimaadeen xubno kasocda ururrada haweenka Puntland, ayaa looga hadlay colaadda kasocota deegaanka Dharkayn-geenyo ee gobolka Sool, waxayna ku baaqeen in si deg deg ah loo joojiyo dhiigga ku qubanaya gobolkaasi.

Haweenka ayaa ka codsaday, dowladda Puntland, isimada dhaqanka, culimada iyo haweenka inay u gurmudaan sidii arrintaasi xal looga gaari lahaa islamarkaana meel looga wadasoo jeedsado cidd fidnada wada.

Shirkan oo ka dhacay Garowe, ayaa haweenku waxay tilmaameen inay tahay wax laga xumaado in lagu dhex dagaallamo maaato aan waxba galabsan iyagoo ku baaqay inay il gooni ah lagu eego dadka soo barakacay ee hoy la'aantu lasoo daristay.

Guddoomiyaha haweenka Puntland Khadro Jaamac Warsame, ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin sidii xal looga gaari lahaa colaadda dhex taalla beelaha Ood-wadaagta ah iyadoo ugu baaqday dhinacyada dagaallamay in ALLE ka cabsadaan oo xurmeeyaan bisha barakaysan ee Ramadaan.

Baaqaan, ayaa kusoo beegmay xilli colaad laba beelood u dhaxaysa muddo ka taagantahay gobolka Sool iyadoo aysan jirin wax tallaabo ah oo ay qaatay dowladda Puntland, marka laga reebo baaq soo daahay oo dhawaan diray madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM