Hawlgal dad badan lagu soo qabqabtey oo Bosaso laga sameeyey

Image

May 12, 2015 (GO)- Ciidamada booliska ayaa hawgal dad badan lagu soo qabqabtey 24tii saac ee ugu dambeeyey ka sameeyey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamada hawlgalkan sameeyey oo ka tirsan Birmad-Boolis shalay ayey Bosaso yimaadeen iyagoo kasoo ruuqaansadey degmada Qardho, isla xalayna waxay bilaabeen hawgal lagu baarayo gaadiidka iyo qaybo kamid ah xaafadaha.

Ku dhowaad saddex boqol oo qof oo dhallinyaro u badan ayey boolisku gacanta ku dhigeen, waxaana laysugu keenay saldhigga dhexe ee booliska.

Taliyaha booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo la hadlay VOA ayaa sheegay in badi dadkii hawgalka lagu soo qabtey lasii daayey, balse weli baaritaan lagu wado dhowr qof oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Hawlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli aammaanka magaalada Bosaso uu todobaadyadii u dambeeyey soo xumaanayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM