Hawlgallo laga sameeyay Galkacyo oo dad lagu soo xiray [Dhagayso]

Image

13 Octobar, 2015(GO)-Magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa laga sameeyay baaritaano kala duwan xilli uu jiro khal-khal soo galay amniga magalada iyo dhac loo gaysanayo shacabka ku nool degmadaasi.

Dhalinyaro Tooreeyo ku hubaysan ayaa dilay hal qof shacab ah, halka ciidanka amnigu dhaawaceen wiil dhalinyaro ah, ka dib xilli uu isku dayay inuu ka baxsado goob ciidanku kula kulmeen koox dhalinyaro ah. 

Laamaha amniga gobolka Mudug ayaa samayay baaritaano, kuwaasi oo la sheegay in lagu soo qabtay ku dhawaad 200 oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo ciidamadu tilmaameen inay wadeen falal amnig lidi ku ah.

Taliyaha Ciidanka birmadka gobolka Mudug Gashaanle sare Cabdirashiid Xasan Xaashi Gabi-gabi oo maanta warbaahinta kula hadlay Galkacyo, ayaa sheegay in dhammaan cidii dambi lagu helo loo gudbin doono xabsiyada waaweyn ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa muddo ku sugnaa Gobolka Mudug, waxaana falalkan ku soo beegmaysa xilli magalada laga wado barnaamijyo xukuumaddu sheegtay in gobolka lagu hormarinayo.

Bishii la soo dhaafay ee September ayaa fal caynkan oo kale ah lagu dilay hal qof oo shacab ah mid kalena lagu dhaawacay, waxana laamaha amniga oo ka hadlay sheegeen inuu sababsaday shakhsigaasi ismaan dhaaf ka dhexdhashay dhalinyaro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM