Hawlwadeenada maxkamadaha PL oo shaqo joojin sameeyey

Image

December 20, 2014 (GO)- Shaqaalaha maxkamadaha Puntland ayaa maalintii afraad shaqo joojin ku jira kadib markii ay mushaharaadkoodii waayeen muddo saddex bilood ah.

Sarkaal ka tirsan maxkamadda Gobalka Nugaal oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa Garowe Online u xaqiijiyey arintan.

Mas'uulkaasi wuxuu intaas ku daray in shaqo joojintu sii socon toona ilaa iyo inta ay mushaharaadkooda helayaan.

Docda kale warqad amar ah ayay maxkamaddu u gudbisay xafiiska madaxwayne ku xigeenka Puntland ilaa iyo hadana wax jawaab ah lagama bixin.

Waxaa Garowe Online u suurageli weydey xiriir ay isku dayday inay la sameyso Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland si ay arintan wax uga weydiiso.

Ciidanka ayaa sidoo kale ka cabanaya inaysan bilhii lasoo dhaafay dowladda Gaas kahelin xaquuqdoodii, iyagoo sheegay inay adagtahay in sidan lagu sii shaqeeyo.

Cabashooyinkan is biirasaday ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan la ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2015 wasaaradda maaliyaduna sheegtay inuu jiro dakhli badan oo la filayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM