Hay'ada jidadka Puntland oo soo bandhigtey buuga wadooyinka

Image
Image
Image

Dec 1,2014 [GO]- Hay'adda Jidadka Puntland ayaa maanta kulan ka dhacay magaladda Garowe kusoo bandhigtay buug ka hadlaya dhismaha wadooyinka iyo buundooyinka iyo qaabeyntooda oo mudo lix bilood ah laga shaqaynayay.

Kulankan waxaa kasoo qayb galay Injineero ka kala yimi Gobaladda Puntland, wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka, madaxda PHA iyo sarkaal ka socda ILO.

Maareeyaha hay'adda jidadka Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa tilmaamay buugani inuu ka hadlaya qaabkii loo dhisayo meelaha buundooyinka noqonaya iyo wadooyinka, wuxuna sheegay inay soo baxday sameyntiisa ka dibb markii ay muuqatay baahida loo qabo maareynta dhismaha wadooyinka.

Waxa uu sheegay Eng.Maxamuud soo diyaarinta buuga inay mudo lix bilood ah gacanta ku haysay shirkadda Albishaar hase yeeshe la doonayo in lagu daro aragtida dadka ku shuqulka leh howlaha dhismaha wadooyinka oo ay lagama maarmaan noqotay in la helo.

Marka lagu dabaqo arigtadaasi ayuu sheegay masuulkani in loo gudbin doono wasaradda howlaha guud si ay u horgayso gollaha xukumadda oo marka danbe go'aan ka gaari doono.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa muujiyay ahmiyada uu buugani xambaarsan yahay wuxuna sheegay Puntland inay aad ugu baahan tahay hal wado oo loo maro marka la dhisayo wadooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM