Hay'adda Wadooyinka PL oo waxqabadkeeda soo bandhigtey

Image

November 23, 2014 (GO)- Hay'adda wadooyinka Puntland ayaa maanta soo bandhigtay waxqabadkeeda 10kii bilood ee la soo dhaafay iyo weliba qorsheheeda ku aadan sanadka soo socoda.

Munaasabadda hay'addu kusoo bandhigeysey waxqabadkeeda oo ka dhacday isla xarunta Hay'adda ee Garowe waaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka, Agaasimaha Hay'adda Wadooyinka iyo guddiga sare ee Hay'adda.

Agaasimaha Hay'adda Wadooyinka Eng.Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa sharaxaad ka bixiyey waxqabadka Hay'adda iyo weliba taariikhdeeda oo kooban, isagoo sheegay in la asaasay sanadkii 1997, wixii intaas ka danbeeyayna hawlo badan oo jidadka lagu dayac tirayey qabatay.

Mar uu ka hadlayey waxyaabaha u qabsoomay wuxuu sheegay in laga xusi karo: dayactirka qaar ka mid ah jidadka , kor u qaadista tayadda shaqalaha, la socodka xaaladda wadooyinka xili roobaadka iyo diyaarinta Buuga Wadooyinka, buugaas oo ka hadlaya qaabka wadooyinka loo dhisayo.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Cabdirshiid Maxamed Xirsi oo intaas kadib hadalka qaatey ayaa ka mahad celiyay waxqabadka Hay'adda, isagoo sheegay inay jiraan arimo badan oo u baahan in wax laga qabto.

Mar uu ka hadlayey qalab yaraanta jirta wuxuu sheegay in dowladdu qorsheyneyso sidii qalab dhameystiran loogu heli lahaa hay'adda PHA si ay hawleheeda usii dardar geliso.

Hay'adda Wadooyinka Puntland oo la asaasay sanadkii 1997 waxay dayactir ku sameysey meelo uu ka burbursanaa jidka laamiga ee isku xira magaaloyinka Gaalkacayo iyo Bosaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM