​Ha'yadda PASAWEYN oo daah-furtay mashruuca biyo galinta Eyl

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Ha'yadda PASAWEYNayaa maanta magaalada Garowe caasumadda Puntland ku daah furtay mashruuc katirsan Barnaamijka JPLG-ga oo biyo galin loogu samaynayo degmada Eyl ee gobolka Nugal.

Mashruucan oo ay hirgalin doonto ha'yada UNICEF, ayaa goobta lagu daah-furayay, waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha hay'addaas, duqa Eyl iyo mas'uuliyiin kale.

Madaxa hay'adda fulin doonta barnaamijkan ninka lagu magacaabo Al Dayib, ayaa sheegay in degmadaas oo ku taalla meel taariikhi ah u baahantahay in mashruucan laga fuliyo isagoo ballanqaaday inay dhawaan booqasho ku tagi doonaan.

Mayorka degmada Eyl Muuse Cismaan Yuusuf, ayaa sheegay in degmadu baahi u qabto in loo sameeyo biyo galin, wuxuuna soo dhaweeyay mashruucan, kaasoo tilmaamay in bulshada degmadaasi kaga baahi bixi doonaan dhibaatada ka haysata helista biyo nadiifa ah waqti kasta.

Maxamed Salaad oo ah Madaxa hay'adda Tamarta iyo biyaha Puntland, ayaa xusay in barnaamijkan oo wajiyo badan leh laga fulin doono deegaanada Puntland gaar ahaan Eyl ,Godob jiraan , Ceel madoobe iyo Dhanaane.

Abaaraha ka jira Puntland, ayaa soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay inaysan ku filnayn daboolista baahida dhanka biyaha, wuxuuna baaq u diray dhammaan cid kasta oo garab ka siin karta arrintaas.

Ugu damayntii waxaa heshiis kala saxiixday Agaasimaha ha'yadda PASAWEYN Maxamed Salaad iyo Guddoomiyaha Eyl Muuse Cismaan, kaasoo ku aadan taabo-galinta mashruuca biyaha lagu galinayo degmadaasi.

Daahfurka Mashruucan, ayaa kusoo aadaya xilli magaaladaas muddooyinkii dambe hormar ku tillaabsanaysay iyadoo kamid ah goobaha ug taariikhda dheer Somalia, waxayna saarantahay bad-weynta Hindiya halkaasoo ay tagaan dalxiisayaal badan oo Somalia iyo ajaanib isugu jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM