Hay’adda PDRC oo ka hadashay mas’uuliyada guddiga doorashada KMG ah ee Puntland

Image

GAROWE- Kadib markii Afhayeenka Madaxweyne Gaas, Cabdulahi Maxamuud Jaamac wareysi uu siiyey Idaacada BBC mas’uuliyada go’aan ka gaarista xilliga Dastuuriga ah oo ay dhaceyso doorashada Puntland ee sanadka 2019 dusha u saarey guddiga KMG ee nidaamka doorasho ee Hal cod Hal qof Halka ka dhageyso, ayaa waxa jawaab sharciyeed ka bixiyey agaasimaha hay’adda Cilmi baarista ee Puntland ‘PDRC’ Cali Farax Cali. 

Cali Farax Cali oo hadal kooban ku soo qorey bartiisa Facebook-ga ayaa ku sheegey in guddiga doorashooyinka ku-meel-gaarka ah ee Puntalnd (TPEC) u xilaaaran yahay oo kaliya qabashada doorashada dowladaha hoose oo ku qabsoonta nidaamka xisbiyada badan.

Agaasimaha hay’adda PDRC ayaa hoosta ka xariiqey in guddigaan uu Hab kale ama isbadal siyaasadeed u xilaasaar-neyn islamarkaana uusan gali karin sharciyan.

Hadalka Afhayeenka ayaa yimid isaga oo ka jawaabaya qoraal ay dhowaan soo saareen siyaasiyiin Reer Puntland ah kuwasoo ka digey qorshayaasha Madaxweyne Gaas damacsan yahay inuu dib ugu dhigo doorashada ka dhaceysa maaamulkaan dhamaadka sanadkaan.

Guddiga doorashada KMG ah ee Puntland ayaa weli ka hadlin warsaxafadeedka af-Hayeenka Madaxweyne Gaas iska riixey ka jawaabisteeda isagoo hareer maraya qodobka 79aad ee Dastuurka maamulkaan kasoo sheegeya in mudada xil haynta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ay tahay Shan Sano. 

Hoos ka akhri qoraalka agaasimaha PDRC soo dhigey bartiisa Facebook.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM