​Hishiis hordhac ah oo laga gaaray arrinta Gallan [Dhagayso]

Image

BOSASO- Wararka aan ka helayno degmada Carmo gobolka Bari, ayaa sheegaya in lagu guulaystay waan waan nabadeed oo ay wadeen waxgarad, siyaasiyiin iyo qaar  kamid ah culimaa'uddiinka Puntland, taasi oo xal loogu raadinayay khilaafka xooggan ee ka dhextaagan xukuumadda iyo Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan.

Arrimo dhawr ah ayaa lagu hishiiyay, waxaana kamid ah; In kala qaado ciidamada islamarkaana la isu soo laabto ciidda kadib, waxaana la sheegay in arrintaasi lagu xalliyay saan saanta colaadeed ee daagnaa todobaadkii hore degmada Carmo.

Guddoomiyihii hore gobolka Bari, Sheekh Cabdixaafid Cali Yuusuf, oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa sheegay in dadaal dheer loo galay sidii looga fogaan lahaa dhib ka dhex dahca shacabka Puntland, wuxuuna sheegay inay la isku afgartay sidii ciidamada looga rari lahaa degmada Carmo.

Cabdixaafid, ayaa xusay inay saan saan wanaagsan u muuqato islamarkaana ay rajaynayaan in wixii lakala tabanayo lagu dhammayn doon fadhi dambe, wuxuuna intaasi raaciyay in go'aanka soo baxay uusan ka amar diidi karin Cabdisamad Gallan.

Hishiiskan ayaa soo baxay xilli cabsi xooggan laga qabay isku dhac dhexmara ciidamada dowladda iyo kuwa daacadda u ah Guddoomiyihii hore gobolka Cabdisamad Maxamed Gallan, kaasi muddooyinkii dambe dhaliilayay siyaasadda madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM